Shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmi doona

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Villa Soomaaliya]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya sidoo kale loo yaqiin madasha wadatashiqa qaranka ayaa la filayaa in uu ka furmo caasimada Muqdisho  maalinta Isniinta ah, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Hoggaamiyaasha ka socda maamul goboleedyda, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan shirka.

Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono horumarkii uu dalka ka sameeyay dhanka amaanka iyo siyaasada, sidoo kale waxaa looga wada hadli doonaa dar-dargalinta doorashooyinka soo socda.

Sida ay qorsheeyeen guddiga doorashooyinka Soomaaliya, doorashada madaxtinimada dalka ayaa dhici doonta 30-ka bisha November, ee sanadkan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*