Shir weynaha wadamada ku bahoobay IGAD oo ka furmay Addis Ababa

IGAD summit
Shirka wadamada ku bahoobay IGAD oo ka furmay Addis Ababa.

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Shirka urur goboleedka IGAD ayaa si rasmiya maanta oo Jimce ahayd uga furmay caasimada dalka Ethiopia, Addis Ababa.

Waxaa shirka ka qaybgalay hoggaamiyaasha sare ee wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Qodobka ugu weyn ee shirka ayaa ah sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa colaada kasoo cusboonaatay dalka Koonfurta Sudan, waxaana shirka ka qaybgalaya wakiilo ka socda dhinacyada is-haya ee dalka Koonfurta Sudan.

Waxaa kale oo madaxda shirka ka qaybgalaysa ay ka hadli donaan amaanka guud ee gobolka.

Shirka ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo ilaa caawa.

IGAD oo ah urur goboleed ay ku bahoobeen sideed wadan oo kuyaala Geeska Afrika ayaa la asaasay sanadkii 1986, wadamada ku bahoobay ayaa kala ah: Ethiopia, Jabuuti, Uganda, Kenya, Soomaaliya, Eriteeriya, Waqooyiga Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*