Shir u dhaxeeya Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay magaalada Garoowe

Shir u dhaxeeya Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Twitter/abdikhayrhussein]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shir u dhaxeeya Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ka furmay gudaha magaalada Garoowe maanta oo Khamiis ah.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen, ujeedka shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa aqoon iyo khibrad.

Wasiiradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Puntland oo shirka martigelinaysa ayaa ka qeybgalaya shirka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la filayay in uu shirka kasoo qeybgalo ayaan imaan, sababta ka dambaysa maqnaanshihiisa lama oga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*