Shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo Muqdisho lagu qaban lahaa oo saddex beri dib u dhacay

calamada-wadamada-igad
Calamada wadamada ku bahoobay IGAD oo Muqdisho la suray.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa saddex beri dib u dhacay, sida ay sheegeen ilo-wareed dib lomaasi oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka ayaa la filayay in beri oo bisha September 10 tahay uu ka dhaco caasimada Soomaaliya ee Muqdisho balse hadda waxaa uu dib ugu dhacay ilaa iyo 13-ka bishan September, sida ilo-wareedka sheegeen.

Lama oga sababta keentay dib u dhaca ku yimid shirka, balse wali waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya oo ay uga hadlayaan doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan dabayaaqada sanadkan.

Shirka IGAD ayaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan madaxda ugu saraysa sideeda wadan ee ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Magaalada Muqdisho oo 25-sanno kadib martigelin doonta shirkaas ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*