Shiinaha oo balanqaaday in uu taageerayo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi (Bidix) oo la kulmay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre shir dhinac socday shir weynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. [Xigashada Sawirka: Xinhua]
New York-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre shalay oo Khamiis ahayd kulan dhinac socday shir weynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kula yeeshay magaalada New York, isaga oo balanqaaday in Shiinuhu uu Soomaaliya ka taageeri doono horumarka, sida ay ku warantay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa leh taariikh saaxiibtinimo oo dheer, Wang ayaa sheegay. Isaga oo intaas ku daray in Shiinuhu uu yahay dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday madax-banaanida Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay dalkii ugu horeeyay ee Bariga Afrika oo xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha.

Shiinaha ayaa mar walba ka taageerayay Soomaaliya adkaynta sharciga, ammaanka iyo xayndaabidda xuduudaha, iyo sidoo kale xasiloonida iyo dib u dhiska dalka, ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinuhu.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Shiinuhu uu uu qayb kamid ah ciidankiisa badda keenay Soomaaliya, iyaga oo halkaas ka geystay howlgalo ammaan.

Dhankiisa, Khayre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay mar walba xasuustaan taageerada Shiinaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*