Shiinaha iyo Mareykanka oo ku balamay in ay si wadajir ah u wadashaqeeyaan

) Madaxweynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping iyo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Rex Tillerson oo is gacan qaadaya. [Sawirka: Twitter]
Madaxweynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping iyo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Rex Tillerson oo is gacan qaadaya. [Sawirka: Twitter]
Beijing-(Puntland Mirror) Madaxweynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping iyo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Rex Tillerson, ayaa wadahadal ku yeeshay caasimada Shiinaha ee Beijing waxayna direen fariin ah in ay ka wadashaqayn doonaan xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labadooda dal.

Kulanka kadib, Xi Jinping ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku balameen khadka taleefoonka bishii lasoo dhaafay.

“Waxaanu u baahanahay in aynu sameyno dadaalo wadajir ah oo lagu kordhinayo iskaashiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Mreykanka waxaana aaminsanahay in aan sameyn karno in aan hubino in xiriirku uu horey u socon karo iyadoo ay soo wajahanyihiin habab waxtar leh,” ayuu yiri Madaxweynaha Shiinaha.

Waxa uu ku daray: “Aad baan ugu rajo weynahay sida ugu macquulsan in aan u sameyn karno arrintan, xiriirkuna waxa uu noqon doona mid dhanka wanaagsan aada.”

Tillerson, ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Trump uu ku niyadsanyahay xiriirka Madaxweyne Xi uuna diyaar u yahay sidii loo siyaadin lahaa xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Rex Tillerson, ayaa maalmihii u dambeeyay safarkiisii ugu horeeyay ku marayay wadamada Asia, waxaana uu soo maray wadamada Japan, iyo Koonfur Kuuriya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*