Shiikh sheegay in dhaqaale uruurin ay ka bilaabmi doonto Puntland si loo caawiyo dadka ku waxyeeloobay fatahaada Beled Weyne

Shiikh Fuaad Aflow oo lacag kaash ah guddoon siinaya nin reer miyi ah intii lagu guda jiray abaartii darneyd ee Puntland. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dad weynaha Puntland oo ay hoggaaminayaan culimada ayaa bilaabi doona dhaqaale uruurin si ay u caawiyaan dadka ku waxyeeloobay fatahaada Beled Weyne, sida uu sheegay Shiikh.

Shiikh Fuaad Aflow, oo kamid ah culimada ugu caansan Puntland, ayaa wariyeyaasha u sheegay in ololaha dhaqaale uruurintu uu dhawaan bilaabmi doono.

Dhaqaale uruurinta ugu weyn ayaa lagu qaban doonaa masaajid kuyaala magaalada Boosaaso, sida uu sheegay Shiikhu.

Dadka reer Puntland ayaa kaalin weyn ka ciyaaray caawimaada dhibanayaashii iyo qoysaskii dhibku kasoo gaaray qaraxii gaariga ee Muqdisho ee sanadkii lasoo dhaafay.

In ka badan 150,000 qof ayaa guryahooda ka cararay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii wabiga Shabeelle uu gabiyadiisa jabsaday, sida ay sheegeen haayadaha gargaarka asbuucii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*