Shaqaale katirsan Shirkadda Biyaha Nugaal oo lagu afduubtay magaalada Badhan

Shaqaalaha katirsan NUWACO ee la afduubtay, Maxamed Siciid Taako. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shaqaale katirsan Shirkadda Biyaha Nugaal ayaa lagu afduubtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, sida ay bayaan ku sheegtay shirkadu maanta oo Arbaco ah.

“Maamulka  Shirkadda NUWACO waxay cambaareynaysaafalka wuxuushnimada oo ay maanta ku qafaasheen koox hubaysan Maxamed Siciid  Taako oo ka tirsan howl-wadeenada shirkadda xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqo,isagoo u shaqeynaya bulshada ku nool magaalada Badhan oo ay NUWACO ku guulaysatey inay u sal dhigto biyogalintii ugu horeysay.” Ayaa NUWACO ku tiri bayaanka.

Shirkadu ma aysan sheegin sababta ka dambeysa afduubashada, balse ilo-wareedyo madaxbanaan ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in afduubashadu ay xiriir la leedahay aargoosi qabiil.

NUWACO oo ah shirkad biyood fadhigeedu yahay Garoowe, ayaa la asaasay sanadkii 2006.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*