Shaqaale katirsan DFS oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Gaariga qaraxa lagu xiray. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hal qof oo ah shaqaale katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Shaqaalaha qaraxa lala beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Cumaan Dheere, waxaana loo qaaday isbitaalka, sida ay wararku sheegeen.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaraxyo kan lamid ah ka fulisay gudaha Muqdisho oo ay ku bartilmaameedsatay masuuliyiin katirsan Dowladda Fedeaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*