Shaqaale ajnabi ah oo la shaqeeya Qaramada Midoobay Soomaaliya oo laga helay coronavirus

Sumada Qaramada Midoobay.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shaqaale ajnabi ah oo la shaqeeya howlgalka Qaramada Midoobay ee gudaha Soomaaliya ayaa laga helay coronavirus, Qaramada Midoobay ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed maanta oo Jimce ah.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa in shaqaale ka mid ah qandaraasle shirkadeed oo ay wadato Qaramada Midoobay in laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).” War-saxaafadeedka ayaa sidaa lagu sheegay.

“Qandaraaslaha ayaa sideed maalmood karantiil ku jiray ka hor inta aan laga baarin cudurka waxaana xirfadlayaasha caafimaadku ay wareysanayaan shaqsiga si ay ula socdaan xiriirka qofkaas.” War-saxaafadeedka Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray.

Soomaaliya ayaa horey u xaqiijisay labo kiis oo Covid-19 ah kadib markii labo muwaadin oo Soomaali ah oo dhawaan dalka dibadiisa ka soo noqday laga helay fayruska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*