Shaqaale ajnabi ah oo katirsanaa UNICEF oo Muqdisho lagu dilay

Sumada haayada UNICEF.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo ajnabi ah oo la shaqeynayay haayada UNICEF xafiiskeeda magaalada Muqdisho ayaa galabta oo Jimce ah lagu dilay Muqdisho, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Dilka ayaa waxaa geystay nin Soomaali ah oo ilaaliye ka ahaa haayada kaasoo shaqada laga ceyrshay.

Ninka dilka geystay ayaa baxsaday kadib toogashada oo ka dhacday xarunta haayada UNICEF ee gudaha Muqdisho,

Sargaalka la dilay ayaa u dhashay dalka Uganda, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ciidamadda ammaanka ayaa yimid goobta uu dilku ka dhacay waxayna bilaabeen baaritaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*