Shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab iyo ISIS oo lagu toogtay Boosaaso

Dagaalyahano ISIS ah. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab iyo ISIS ayaa waxaa toogasho ku fuliyay ciidamada Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.

Toogashada ayaa ka dhacday magaalo xeebeedka Boosaaso subaxnimadii Khamiista, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Nimanka la toogtay ayaa horey maxkamadu ciidamada ugu heshay in ay dilal iyo qaraxyo ka geysteen gudaha magaalooyinka Puntland.

Puntland oo kutaala Gacanka Cadan oo u dhow Badda Cas, ayaa noqotay dowlad goboleed sanadkii 1998, waxayna ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, inkastoo ay hadda dagaal gula jirto xagjiriinta Al-Shabaab iyo ISIS kuwaasoo ku dhuumanay deegaano miyi ah oo kuyaala buuralayda gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*