Shan qof oo ciidamo ay ku jiraan oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Qiiq cirka isku shareeray ayaa la arkayay qaraxa kadib. [Isha Sawirka: Twiiter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa maanta oo Arbaco ah ka dhacay Muqdisho, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar-kantarool ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay qaraxaas, oo ay kamid tahay gabar taliye ahayd iyo ilaaladeeda, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Xildhibaan katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay sidoo kale in uu ku dhaawacmay weerarka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay baahiyeen warbahintoodu.

Weerarkan ayaa yimid iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka Muqdisho intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramaadn.

Al-Shabaab ayaa ay dhaqan u tahay in ay kordhiso weeraradeeda bisha Ramadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*