Shacabka Puntland oo soo dhaweeyay musharaxnimada Siciid Dheere

Garoowe-(Puntland Mirror) Shacabka Puntland ayaa si balaaran u soo dhaweeyay kadib markii Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Siciid Dheere uu ku dhawaaqay in uu u tartamayo madaxtinimada Puntland.

Dad badan ayaa soodhaweyn iyo ammaan baraha bulshada  u mariyay taliyihii hore ee ciidamada Puntland.

Subaxnimadii Axada, Siciid Dheere ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku iclaamiyay musharaxnimadiisa madaxtnimada Puntland ee 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*