Sawiro: Maleeshiyada al-Shabaab oo qabatay diyaarad drone ah

Dagaalyahan al-Shabaab ah oo isku dayaya inuu furfuro diyaarada drone ka ah.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ka dagaalanta Soomaaliya ee al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku qabteen gobolka Shabeellaha hoose diyaarad yar oo drone ah.

Warbaahinta taageerta maleeshiyada al-Shabaab ayaa sii daysay sawirada diyaarada drone-ka ah.

Dagaalyahno al-Shabaab ah oo ag taagan burburka diyaarada.

 

Ma cadda waxa soo riday diyaarada mana jirto dal sheegtay inuu leeyahay, laakiin militariga Maraykanka ayaa si joogto ah hawada Soomaaliya uga sameeya duulimaadyo dabogal ah.

Maleeshiyada al-Shabab oo shacabka u soo bandhigaysa burburka diyaarada drone-ka ah.

 

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) ee Maraykanka ayaa weerar ay Koonfurta Soomaaliya ka fuliyeen bishii September sanadkii 2014-ka, waxay ku dileen hoggaamiyihii xagjirka ahaa ee kooxda al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane oo maleeshiyadiisu ku magacaabi jireen (Abu- subayr).

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*