Sarkaal katirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari gudaha Muqdisho

Sarkaal katirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari gudaha Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sarkaal katirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax loogu rakibay gaarigiisa gudaha Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka amniga ah iyo goobjoogayaal.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Cusmaan Faarax sidoo kale loo yaqaan (Dr. Yare), kaasoo la shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Dr. Yare ayaa ku geeriyooday kadib markii qarax loogu xiray kursiga darawalka gaariga uu ku qarxay isaga oo marayay meel u dhow isbitaalka Martiini ee Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka dhacay maanta oo Isniin ah, balse waxaa lagu tuhunsanyahay ururka hubaysan ee Al-Shabaab, taasoo geysatay weeraro lamid ah xilliyadii lasoo dhaafay.

Weerarka maanta oo Isniin ah ayaa imaanaya hal maalin kadib markii gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka ambabaxayay saldhig milatari oo kuyaala Muqdisho.

Ugu yaraan 15 qof oo u badan shacab ayaa lagu dilay weerarkaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*