Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya

Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray in Bashaar Muumin Faarax uu shalay oo Arbaco ahayd uu iska soo dhiibay gudaha gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda, Sargaalka isa soo dhiibay ayaa Al-Shabaab ay u soo direen deegaanada kuyaala gobolada dhexe si uu weeraro uga geysto inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta.

Kahor inta uusan go’aansan in uu is dhiibo, Bashaar ayaa xiriir la sameeyay xubno katirsan qoyskiisa kuwaasoo xubno ka ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Bashaar ayaa noqonaya sargaalkii ugu sareeyay oo Al-Shabaab katirsan oo isa soo dhiiba tan iyo bilowgii bishii April, markaas oo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu labo bilood oo cafis ah u fidiyay xubnaha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddo sannooyin ah u dagaalamaysay sidii aya awooda uga tuuri lahayd dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo taageero buuxda ka haysata dadka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*