Sarifka dollarka oo hoos u dhacay gudaha Muqdisho

Sarifka dollarka oo hoos u dhacay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qiimaha sarifka dollarka ayaa hoos u dhacay gudaha magaalada Muqdisho intii lagu guda jiray saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Halkii dollar ($1) ayaa gaaray sarif u dhaxeeya lix iyo toban kun (16,000 Sh.So) ilaa iyo sideed iyo toban kun (18,000 Sh. So).

Ganacsatada ayaa sheegtay in hoos u dhaca dollarka ay sababtay lacago dollar ah oo badan oo suuqa si weyn u galay, lacagtaas oo laaluush ahaan ay u bixiyeen musharixiintii madaxweynaha Soomaaliya.

Qiimaha maciishada kala duwan ayaan waxba iska badalin, sida raashinka.

Kunka Shillin (1,000 Sh.So) ayaa u weyn una yar lacagta dalka Soomaaliya, taasoo dhibaato weyn ku ah hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Xukuumada cusub ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxyaabaha laga filayo waxaa kamid ah sameynta lacagta adag ee Shillin Soomaaliga.

Bartamihii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka Haayada IMF iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in IMF ay Soomaaliya ka caawiso daabacaada lacaga adag ee dalka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*