Sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay gudaha Soomaaliya, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

“Taliska Mareykanka ee Afrika waxay qiimeyn ay ku sameeyeen duqeyn ay qaadeen April 2-dii ku xaqiiqsadeen in saddex kamid ah argagixisada la dilay mid uu ahaa sargaal sare oo katirsan ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Sargaalka oo magaciisa la dhaho, Yuusuf Jiis, waxa uu kamid ahaa xubnaha asaaska u ah ururka argagixisada ah waxaana uu soo qabtay xilal badan.” War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa intaas ku daray.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Sanadkan 2020 ilaa 34 duqeymood ayaa milatariga Mareykanku ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

21 maleeshiyo oo Al-Shabaab katirsan ayaa lagu dilay duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay koonfurta Soomaaliya tan iyo bishaan April 2.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*