Sargaal Qaramada Midoobay katirsan oo sheegay in burcad-badeeda wali ay khatar yihiin inkastoo guulo laga gaaray

Xeebaha Soomaaliya ayaa hoy u ahaan jirtay burcad-badeed mudadii u dhaxaysay 2006-2012. [Sawirka: AFP]
Xeebaha Soomaaliya ayaa hoy u ahaan jirtay burcad-badeed mudadii u dhaxaysay 2006-2012. [Sawirka: AFP]
Nairobi-(Puntland Mirror) Khatarta burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya wali waa muuqataa inkastoo guulo badan laga gaaray, sida uu sheegay sargaal katirsan Qaramada Midoobay.

Andrew McLaughlin, oo ah sargaal katirsan haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan mukhaadaraadka iyo dambiyada ee UNODC, ayaa wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua u sheegay isaga oo jooga Nairobi in xaalada liidata ee dhanka siyaasada, dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka jirta Soomaaliya ay dib u kicin karto burcad-badeedii Soomaalida.

“Burcadii gudaha Soomaaliya lama garaacin laakiin geliya waa lala diriray. Khatarta waa mid soo noqon karta tan iyo inta xaalada ammaanka iyo mida dhaqaalaha ee Soomaaliya ka jirta ay tahay mid khatar ah,” ayuu yiri sargaalka UNODC.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haysato dhammaystir la’aan ka jirta awooda ciidamada iyo shaqo la’aanta sare oo dhalinyarada haysata oo keeni karta dib u soo noqoshada burcadii.

“Waxyaabaha sababi kara waxaa kamid ah sida shaqo la’aanta sare ee haysata dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri McLaughlin.

Waxa uu sheegay dhiirigalinada dhaqaale sida dib u dhiska warshadaha kalluunka ee Soomaaliya in ay yarayn karto shaqo la’aanta dhalinyarada ku keeni karta burcad-badeednimo.

Xeebaha Soomaaliya lagama sheegin wax weerar oo weyn oo lagu qaaday maraakiibta waa-weyn tan iyo 2012-kii, taasoo ay mahadeeda leeyihiin ciidamada la dagaalanka burcad-badeeda ajnabiga ah ee jooga xeebaha Soomaaliya iyo ciidamada badda Puntland oo kaalin weyn ka geystay burcadii ka howlgali jirtay gacanka cadmeed oo ay kala dirireen dhanka beriga.

Inkastoo ilaa 2012-kii aan la diiwaangelin wax weerar ah oo ay burcad-badeeda u geysteen maraakiibta xamuulka ah, haddana waxaa jira dhowr weerar oo ay la beegsadeen doomo kalluumaysi iyadoo hadda ay madaxfurasho u haystaan 10 Iraaniyiin ah oo ay qabsadeen 2015-kii.

 

Xigasho: Xinhua news agency + Puntland Mirror.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*