Sargaal katirsanaa nabadsugida dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho

Sargaal katirsanaa nabadsugida dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Shabelle]
Sargaal katirsanaa nabadsugida dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Shabelle]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal nabadsugida katirsanaa ayaa lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay goobjoogayaashu sheegeen.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabay Aadan Isaaq, kaasoo la shaqayn jiray Haayada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA, sida ay sheegeen wararku.

Isaaq ayaa la dilay kadib markii miino loogu rakibay gaarigiisa ay ku qaraxday gudaha degmada Dharkeynlay ee Muqdisho, sida ay goobjoogayaashu sheegeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaas dhacay maanta oo Arbaco ah, balse tuhunka ayaa ku dhacaya ururka hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo horey u geystay weeraro kan lamid ah.

Kani waa qaraxii labaad oo gaari ah oo ka dhaca gudaha caasimada intii lagu guda jiray asbuucaan, shalay ayay ahayd markii sargaal katirsan dowladda Soomaaliya la dilay kadib markii miino loogu rakibay gaarigiisa uu ku qarxay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*