Sargaal katirsan Wasaaradda Maaliyada Puntland oo si xun ugu dhaawacmay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) sargaal katirsan Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa si xun ugu dhaawacmay kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa uu ku qarxay gudaha magaalada Gaalkacyo maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey qaraxyo kan lamid ah uga geysatay magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*