Sargaal katirsan Puntland oo sheegay in la qabtay dadkii ka dambeeyay qaraxii Af-urur

Sawirka: Dharka Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa qabtay dad looga shaki qabo in ay yihiin maskaxdii ka dambeysay weerarkii Af-urur, sida uu sheegay sargaal.

Taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland, Cabdirashiid Ismaaciil ayaa sheegay in maskaxdii ka dambeysay weerarkii Af-urur ay ciidanku qabteen.

“Waxaa farxad wayn ah in la qabtay shayaadiintii ka dambeysay qaraxii Af-urur ee Jimcadii,” ayuu qoraal uu boggiisa Faceboo soo dhigay ku yiri Cabdirashiid.

“Qofkii qaraxa meesha geliyay iyo remote-ka hagayay waxay ku jiraan gacanta Puntland.” Ayuu ku sii daray.

Jimcadii, ugu yaraan shan askari oo ciidamada Puntland katirsan iyo dad shacab ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay tuulada Af-urur ee Buuraha Galgala.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa Jimcadii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*