Sargaal katirsan nabadsugida Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho

Sargaal katirsan nabadsugida Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan nabadsugida Soomaaliya oo la shaqaynayay haayada nabadsugida qaranka ee NISA ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sargaalka uu la qarxay kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay meel u dhow xarunta Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Soomaaliya ee gudaha Muqdisho.

Sargaalka la dhaawacay ayaa la dhahaa Cabdullaahi Nuur Samatar waxaana loo yaqaan (Caano Boore), sida ay wararku sheegayaan.

Sargaalka ayaa loo qaaday isbitaalada kuyaala gudaha magaalada si loogu dabiibo.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku qoreen warbaahintooda Online-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*