Sargaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay heleen xoggo sheegaya in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu ku suganyahay gobolka Gedo

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: Aljazeera]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen xoggo ku sabsaan halka uu joogo hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Janaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka dowladda ee SONNA ku sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumanayo meelo kamid ah gobolka Gedo, isaga oo intaas ku daray in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu kasoo cararay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe kadib cadaadis uu halkaas kala kulmay.

“Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Horjoogaha Al-Shabaab ugu sarreeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, isagoo ka soo cararay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe halkaas oo uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawlgallada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo xaaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.” Ayuu yiri Janaraal Saxardiid.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waa-weyn ee kuyaala koonfurta Soomaaliya, balse weli waxay haystaan deegaano badan oo miyi ah.

Mareykanka ayaa horaantii sanadkan sii dhammaanaya ee 2017 kordhiyay duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, ku dhawaad 30 weerar oo cirka ah ayuu qaaday Mareykanka sanadkan, waxaana uu ku dilay tobonaan maleeshiyo ah oo katirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jireen saraakiil sare.

Axmed Diiriye ayaa badalay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaasoo Mareykanku uu duqayn ku dilay dabayaaqadii sanadkii 2014.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*