Sargaal katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Sawirka: Marxuum Maxamed Yuusuf Aadan Qaaley.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xalay fiidkii lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo, sida ay Puntland Mirror u sheegeen masuuliyiin dowladda ah.

Maxamed Yuusuf Aadan Qaaley ayaa niman baastoolado ku hubaysan ku toogteen xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo kuyaaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Gacan ku dhiiglayaashii oo aan haybtooda la aqoon ayaa goobta ka baxsaday.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada dilkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay weeraro hore oo ka dhacay Gaalkacyo oo ka dhan ahaa masuuliyiin katirsan Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*