Sagaal qof oo lagu dilay dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo

Koonfurta Gaalkacyo. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Sagaal qof oo shacab ah ayaa xalay lagu dilay dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka balse ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sheegaya in dadkaas loo batilmaameedsay hayb ahaan kadib markii isla xalay koonfurta Gaalkacyo lagu dilay sargaal katirsanaa nabadsugida maamulka Galmudug oo magaciisa lagu sheegay Cali Tahliil Cadceed.

Dadka la laayay ayaa kasoo jeeda deegaanada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*