Sagaal maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay gobolka Bay

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen sagaal maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ay soo saareen gelinkii dambe Sabtida ku sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaan kuyaala gobolka Bay.

Waxay intaas ku dareen in wax khasaare ah aysan dadka shacabka ah kasoo gaarin duqeynta.

Mareykanka ayaa qaaday 37 duqeymood sanadkan oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shababaab ee ku sugan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*