Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceshay taageerada ay u muujiyeen markii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay

Olgan Baker
Safiirka Turkiga Soomaaliya Olgan Baker. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Safiirka dowlada Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa uga mahadceshay shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen markii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay oo dhacay labo asbuuc kahor.

Safiir Olgan Bekar oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaarada Turkiga ee Muqdisho maanta oo Sabti ah ayuu soo dhaweeyay go’aanka dowlada federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha haayada Nile Academy oo lala xiriirinayo wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka, Fethullah Gulen, kaasoo Madaxweyne Reccep Tayip Erdogan ku eedeeyay inuu ka dambeeyay isku-dayga afgembiga fashilmay.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa taageerada ay noo muujiyeen, iyo dibadbaxyada ay ku diidanaayeen inqilaabkii dhicisoobay, taasina waxey muujineysaa in xiriir qoto dheer uu u dhexeeyo labada dal.” Ayuu yiri Danjire  Olgan Bekar.

Danjiraha ayaa sheegay adeegyadii ay bixin jirtay haayada Nile Academy in ay la wareegtay safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Haayada Nile ayaa gacanta ku hayn jirtay saddex iskuul iyo hal isbitaal oo kuyaala caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Danjire Olgan Bekar ayaa sidoo kale ka hadlay warar dhawaan soo baxay oo sheegaya in Turkiga uu aqoonsaday baasaboorka maamulka Soomaaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay teestaro aqoonsi oo kale ah.” Ayuu yiri danjiraha Turkiga.

Xukuumada Ankara ayaa lacag ku dhow nus malyan galisay Soomaaliya shanti sanno ee u dambaysay. Soomaaliya ayaa ah dalka saddexaad oo hela barnaamijyada horumarinta ah ee dalka Turkiga uu bixiyo.

 

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*