Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya oo kulan kula yeeshay madaxweynaha dowladda Puntland magaalada Boosaaso

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiir Donald Yamamoto oo ku kulmay xarunta madaxtooyada Boosaaso, March 31, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta oo Axad magaalada Boosaaso kulan kula yeeshay madaxweynaha dowladda Puntland.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda,” sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiir Donald Yamamoto ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay kamid ahayd taageerada dhanka ammaanka oo Mareykanku uu siiyo Puntland.

“Kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.” War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*