Safarkii Farmaajo ee Puntland oo dib u dhacday ilaa bisha soo socota

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo [Xigashada Sawirkat: Villa Somalia]
Garoowe-(Puntland Mirror) Safarkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Puntland ayaa dib u dhici doona ilaa bisha soo socota, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada Puntland.

Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii Puntland ay codsatay in dib loo dhigo safarka sababtoo ah Puntland ayaa wajahaysa cadaadis siyaasadeed taasoo uu horseeday ceyrintii golaha wasiiradda, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Madaxweynaha ayay u qorshaysnayd in uu Puntland safar ku tago inta lagu guda jiro bishaan.

Horaantii bishaan, Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay guddi katirsan golihii wasiiradda ee la riday si ay u agaasimaan safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*