Saddex qof oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Carmo

Burburka baska oo goobta yaala. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Saddex qof ayaa ku geeriyootay kadib markii ay isku dhaceen gaari bas ah iyo booyad, sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Shilka ayaa ka dhacay wadada laaamiga meel ku dhow magaalada Carmo, sida ay goobjoogayaashu sheegeen.

Ku dhawaad 10 qof oo kale oo ku dhaawacmay shilka, ayaa loo qaaday isbitaalka Carmo.

Baska oo siday dad rakaab ah ayaa la sheegay in uu ka yimid magaalada Boosaaso kuna socday Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*