Saddex qof oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa ka dhacay makhaayad kutaala jidka Maka Al Mukarama. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex qof ayaa ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho fiidkii xalay oo Axad ahayd, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Saraakiisha booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in gaari qaraxa ah la dhigay kasoo horjeedka makhaayad kutaala jidka mashquulka badan ee Maka Al Mukarama uu qarxay.

Irida makhaayada ayaa burburtay, dhiiga badan ayaa ku daatay sakxada makhaayada  kuraastiina waa ay kala daateen.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxa, balse argagixisada Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ka geysata Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*