Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

Wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay hal qof oo kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari, sida ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Shilka ayaa ka dhacay saq dhexe xalay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo tuulada Laanta-hawada.

Gaari noociisu ahaa X-Trail ayaa shilka galay, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Waxaa jiray shilal is xig xigay oo ka dhacay gudaha Puntland, oo ay sababaeen waddo xumo iyo khibrad la’aanta darawalnimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*