Saddex qof oo ku dhimatay qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Muqdisho

Askari katirsan dowladda Soomaaliya oo ilaalo ka haya wado kutaala Muqdisho [Sawirka: Archive]
Askari katirsan dowladda Soomaaliya oo ilaalo ka haya wado kutaala Muqdisho [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof oo ay kamidyihiin askar katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya  ayaa ku dhimatay in ka badan labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyada sheegayaan.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay degmada Xamar-wayne ee magaalada Muqdisho subaxnimadii maanta oo Axad ah.

Ma jirto cid si dahqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse waxaa looga shaki qabaa kooxda Al-Shabaab, taasoo weeraro kan lamid ah oo taxane ah geysatay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*