Saddex nin oo qorsheynayay weerar ka dhan ah bulshada Soomaalida ee magaalada Kansas oo la qabtay

gangs

Washington-(Puntland Mirror) Haayadaha federaalka Maraykanka ayaa sheegay in ay xireen saddex nin kuwaasoo lagu eedeeyay in ay isku-dayeen in ay qarxiyaan xarumo kuyaala magaalada Kansas.

Tom Beall, oo ah sii hayaha xeer ilaaliyaha Maraykanka, ayaa sheegay shalay oo Jimce ahayd in saddexda nin lagu eedeeyay argagixiso maxali ah oo qorsheynayay in ay qarxiyaan dhisme qaybeed halkaas oo ay qoysas Soomaali ah kunoolyihiin ayna ku cibaadaystaan.

Saddexda nin ayaa loo aqoonsaday; Curtis Allen oo 49-sanno jir ah, Gavin Wright oo 49-sanno jir ah iyo Patrick Stein oo 47-sanno jir ah, kuwaasoo lasoo qabtay subaxnimadii Jimcada.

Nimanka ayaa qorsheeyay in ay qaraxa geystaan 8-da November si aysan u saamayn doorashada madaxtinimada Maraykanka, taasoo dhacaysa 8-da November, sida ay sheegeen dambi-baarayaasha Federaalka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*