Saddex maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gudaha Puntland

Maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lugeynaya Buuraha Golis. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saddex maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gudaha Puntland, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed galabta oo Isniin ah.

Duqeynta ayaa Axadii ka dhacday Buuraha Golis, AFRICOM ayaa intaas ku dartay.

Sida ay AFRICOM sheegeen, ma jirto wax dad shacab ah oo dhibbaato ka soo gaartay duqeyntaas.

Duqeyntan ayaa ah tii labaad oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo Jimcadii markaas oo Mareykanku uu duqeyn ku dilay labo maleeshiyo isla deegaankaas.

Tan iyo bishii April Mareykanka ayaa ku dhawaad lix duqeymood ka fuliyay Buuraha Golis ee Puntland, halkaas oo loo maleynayo in ay ku dhuumanayaan maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo ISIS, oo ay dagaalo dhexmareen bilihii dhawaa ee la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*