Saddex maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Jubbada Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Isniintii ka dhacday deegaanka Bangaani oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

AFRICOM ayaa intaas ku dartay in aysan jirin wax shacab ah oo dhibbaato ka soo gaartay weerarkaas.

Waa duqeyntii saddexaad oo Mareykanku ka geysto gudaha Soomaaliya sanadkan 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*