Saddex dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka geystay Shabeellaha Hoose

Maleeshiyo Al-Shabaab ah oo ku sugan koonfurta Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Axadii ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Duqeynta ayaa ahayd is-difaacid wadajir ah oo ay wada qaadeen Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya kadib markii ay dagaal la galeen maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab, bayaanka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*