Saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Puntland

Dagaalyahano Al-Shabaab ah oo maraya Buuraha Galgala. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa duqeyn uu ka geystay gudaha Puntland ku dilay saddex dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen bayaan maanta oo Sabti ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday Buuraha Golis Jimcadii, sida ay sheegeen AFRICOM.

Weerarkan ayaa noqonaya kii kowaad ee ka dhan ah maleeshiyada argagxisada ah Al-Shabaab ee ku sugan Puntland sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*