Saddex askari oo Turki ah oo lagu dilay waqooyiga dalka Suuriya

Askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay, ayaa loo qaaday isbitaalo kuyaala gobolada koonfurta ee Kilis iyo Gaziantep. [Sawirka: AP]
Askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay, ayaa loo qaaday isbitaalo kuyaala gobolada koonfurta ee Kilis iyo Gaziantep. [Sawirka: AP]
Istanbul-(Puntland Mirror) saddex askari oo Turki ah ayaa lagu dilay 10 kalena waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Suuriya.

MilatarigaTurkiga ayaa sheegay in askarta ay duqaymo la beegsadeen dowladda Suuriya subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah, intii uu socday weerar u dhaxeeyay falaagada Suuriya ee Turkiga uu dabada ka riixayo iyo kooxda loogu yeero ISIS.

Si kastoo ay ahaataba, kooxda kormeerka Suuriya ayaa sheegtay in dhimashada ay sababtay weerar isbiimayn ah oo ay masuuliyadiisa sheegatay ISIS.

Dowladda Suuriya wali kama aysan jawaabin.

Lama sheegin deegaanka saxda ah ee uu ka dhacay dhacdada, balse wakaalada wararka dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa warisay in uu ka dhacay meel u dhow al-Bab.

Askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay, ayaa loo qaaday isbitaalo kuyaala gobolada koonfurta ee Kilis iyo Gaziantep.

Wakaalada lala xiriiriyo in ay afka ISIS ku hadasho ee Amaq ayaa sii daysay muuqaal muujinaya gaari hubaysan oo maraya jiida hore kadibna qarxaya.

Wakaalada lala xiriiriyo in ay afka ISIS ku hadasho ee Amaq ayaa sii daysay muuqaal muujinaya qaraxa. [Sawirka: Amaq]
Wakaalada lala xiriiriyo in ay afka ISIS ku hadasho ee Amaq ayaa sii daysay muuqaal muujinaya qaraxa. [Sawirka: Amaq]
Dhimashada saddexda askari ayaa la macno ah in 15 askari oo Turki ah la dilay tan iyo markii ay howlgalka ku qaadeen waqooyiga Suuriya.

Turkiga ayaa markii kowaad taangiyadiisu waxa ay ka gudbeen xadka Suuriya bishii lasoo dhaafy ee Agoosto, si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada kooxda ISIS iyo xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Suuriya, kuwaasoo sheegtay masuuliyada weeraradii ugu dambeeyay argagixiso oo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha magaalooyinka Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*