Saahid Maxamuud Cali oo loo doortay duqa cusub ee Gaalkacyo

Duqa cusub Saahid Maxamuud Cali. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Saahid Maxamuud Cali ayaa galabta loo doortay duq degmada Gaalkacyo.

Saahid oo ah nin dhalinyaro ah ayaa helay 23 cod halka ninkii ugu dhawaa ee la tartamayay Cabdiqani Diiriye Dhageweyne uu helay 7 cod.

31 ka mid ah golaha deegaanka dhawaan la soo doortay ee Gaalkacyo ayaa codkooda dhiibtay, iyadoo lix ka mid ah ay ahaayeen xubno dumar ah.

Waxa uu bedeli doonaa Nabadoon Yaasiin Cabdisamad kaasoo si kumeelgaar ah xafiiska u joogay tan iyo bishii November 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*