RW Soomaaliya Sharmaake oo xil ka qaadis ku sameeyay labo wasiir oo haween ah

Muqdisho-(Puntland Mirror) Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aqbalay xil ka qaadis uu raysulwasaaraha Soomaaliya ku sameeyay labo xubnood oo kamid ahaa golaha wasiirada dowlada federaalka Soomaaliya.

RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa xilalkii ka qaaday wasiiradii waxbarashada Khadro Bashiir Cali iyo wasiiradii caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed.

RW Sharmaake ayaa u magacaabay Cabduqaadir Cabdi Xaashi wasiirka cusub ee waxbarashada, sidoo kale Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa RW u magacaabay wasiirka cusub ee caafimaadka.

Xilka qaadistan ayaa imaanaysa iyadoo haweenka Soomaalida ay xusul duub ugu jiraan sidii ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen siyaasada dalka xilli ay soo fool leeyihiin doorashooyin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*