RW Soomaaliya oo sheegay in xukuumadiisu ay dalbatay in Mareykanku uu si kumeel gaar ah u joojiyo caawimaada ciidamada Soomaaliya si loo hagaajiyo isla xisaabtanka

Sawirka: Raysulwaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dalbatay in Mareykanku uu si kumeel gaar ah u joojiyo caawimaada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si loo hagaajiyo isla xisaabtanka kadib walaacyo musuqmaasuq.

Isaga oo shalay oo Sabti ahayd kula hadlayay wariyeyaasha gudaha Muqdisho, Khayre waxa uu yiri: “Bishii ugu horeysay ee aan xafiiska imi, xukuumaddaydu waxay ogsoonayd baahida Soomaaliya ay u qabto in lagu maamulo hab isla xisaabtan ah si loo hubiyo isla xisaabtanka, Soomaaliya iyo Mareykanku waxay isku raaaceen in la hakiyo caawimaadan.”

Waxa uu sheegay hakinta caawimaada in ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladiisu kula dagaalamayso musuqmaasuqa si looga hortago maamul xumada loona bilaabo isla xisaabtan.

“Waxaanu sameynay daraasad suurta gelisay in la helo caqabadaha kasoo horjeeda dib u dhiska ciidamada qaranka, oo ay ku jiraan kala soocida mushahaarka askarta, been ka sheegista liiska ciidamada jooga ee nool, sidaas darteedna waxaan si wadajir ah u go’aansanay in la joojiyo caawimaada Mareykanka qaybo ka mid ah ee millatariga Soomaaliya muddo toddobaadyo ah illaa iyo inta aan ka wanaajinno oo aan saxno khaladaadka.” Ayuu yiri Khayre.

Jimcadii, Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis aya sheegay in uu ku rajo weynyahay kor u qaadista isla xisaabtanka Soomaalida ee ku saabsan qeybinta caawimaad Mareykanka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Waan hubaa in aan arrintaan aanu xakameyn karno, xitaa haddii aaney guud ahaan ahayn, balse qaybo ka mid ah,” Mattis ayaa sidaa u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan xarunta Pentagon-ka

Hase yeeshee, Khayre wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ku kalsoon tahay in ay heshay kalsoonidii dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadeeda dunida.

“Marka loo eego warbixinaddii dhawaan ee IMF-ta iyo Bangiga Adduunka ee ku saabsanaa Soomaaliya iyo shaqada aan ilaa iyo hadda qabannay, waxaan ku kalsoonahay in aan helnay kalsoonidii dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadeena caalamiga ah.” Ayuu yiri Raysulwasaaruhu.

Ku dhawaad labaataneeyo sano, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka, iyadoo halka ugu sareysa liiska ka gashay, sida ay sheegtay haayada Transparency International.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*