RW Soomaaliya oo hakiyay mashruuc uu maalgeliyay Bankiga Adduunka


Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hakiyay mashruuc uu maalgeliyay Bankiga Adduunka oo waddooyin looga dhisayo afar magaalo oo kuyaala dalka.

Lama sheegin sababta ka dambaysa hakinta, balse warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in mashruuca laga qeyb gelin doono dhammaan dowlad goboleedyada.

Mashruuca oo ay ku baxayso $112 milyan oo Bankiga Adduunka uu bixiyay ayaa qorshuhu ahaa in waddooyin looga dhiso afarta magaalo ee kala ah; Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo, sida gelinkii hore ee Sabtida uu sheegay wasiirka maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle Ducaale.

Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ayaa dhaqaalahaas ka heshay $28 milyan, sida uu sheegay wasiirku.

Bayle ayaa intaas ku daray in mashruuca uu yahay labo waji, iyadoo wajiga labaad ay ka faaiideysan doonaan magaalooyinka kale ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*