RW Israel oo Kenya u balanqaaday taageero lagula dagaalamayo argagixisada

Israeli-PM-Benjamin-Netanyahu-arrives-Kenya
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo Raysulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa cadeeyay in Raysulwasaaraha Israel uu u balanqaaday taageero haayadaha amaanka ee dalka Kenya.

“Waxaanu samaysanay wada shaqayn weyn oo lagula dagaalamayo argagixisada waxaan si weyn uga faa’idaysan doonaa qorshaha istiraajiyadeed ee wada shaqaynta ah,” ayuu ka yiri madaxweyne Uhuru khudbad taleefishinka laga sii daayay.

Wakhtigan la joogo Kenya ayaa ka hesha taageero qalab militari ah Israel, sida ay sheegayaan warbixinada.

RW Israel Benjamin Netanyahu ayaa asbuucaan booqasho ku yimid wadamo kuyaala Geeska Afrika markii kowaad oo Kenya kamidtahay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*