RW DFS Sharmaake oo Puntland yimid si uu u kordhiyo ololihiisa murashaxnimada madaxweynaha Soomaaliya

Sharmaake.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo RW DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo masuuliiyiin sare oo dowlada kamid ah ayaa RW kusoo dhaweeyay garoonka kumeel gaarka ah ee Kanooko oo kuyaala duleedka waqooyi ee Garoowe.

Madaxweyne Cabdiweli oo saxaafada maxaliga ah kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in socdaalka RW uu salka ku hayo indho-indhaynta hawlaha la xiriira doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Marka laga tago hadalka madaxweynaha Puntland, ilo-wareedyo dhanka dowlada ah ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in booqashada Sharmaake ee Puntland ay ku saabsantahay ololaha uu ugu jiro diyaargarowga musharaxnimadiisa madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in Sharmaake oo Puntland kasoo jeeda uu booqan doono deegaano kuyaala Puntland si uu ula kulmo odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan ee deegaanadaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*