RW Cumar Cabdirashiid oo kasoo horjeestay go’aankii ay guddiga doorashooyinka dadban ku sheegeen in soo xulida xildhibaanada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe lagu qabto Muqdisho

Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in go’aan ka gaarida goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay tahay mid u taala dowlada federaalka Soomaaliya balse aysan ahayn mid u taala guddiga doorashooyinka dadban.

RW ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka dadban looga baahanyahay in ay wadatashi la yeeshaan isimada ugu jira labadaas gobol 135 oday dhaqameed ee soo xulaya baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya, dabadeedna ay dib ugu soo celiyaan dowlada federaalka natiijada kasoo baxda wadatashiga ay la sameeyeen odaayasha dhaqanka labaadaas gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Waxaan u mahadcelinaya oo aan bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan guddiga doorashadda 2016 , hayeeshee waxaan rabaa in aan faro oo aan u cadeeyo guddiga in ay ilaaliyaan go’anadii lagu gaaray madasha hoggaamiyaasha qaranka ,oo lagu cadeyey in go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo doorashadda xildhibaanadda goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla dowladda federaalka Soomaaliya,” sidaa ayuu bayaan ku yiri RW Sharmaake.

Ugu dambayna, RW Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku booriyey guddiga doorashadda in ay wadatashi la yeeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira goboladda Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe 135 oday, uguna tagaan goob kasta oo ay joogaan , isla markaana ay dowladda federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wadatashigaas sidii horay loogu heshiiyey.

Guddiga dadban ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in soo xulida xildhibaanda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Labadan gobol ayaan lahayn maamul goboleed iyadoo wali lagu heshiin la yahay hanaanka dhismaha maamul u samaynta labadaas gobol.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa markale dib u dhacay iyagoo lagu balansanaa in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 30-ka Oktoobar ayaa shalay oo Isniin ahayd guddiga doorashooyinka dadban sheegeen in mar labaad ay doorashada dib u dhacday haddana la qorsheeyay in la qabto 30-ka bisha November ee soo socota.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaare Sharmaake oo wakhtikoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday bishaan September ayaa u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*