RW Britain Theresa May oo sheegtay in doorasho guud oo deg deg ah la qabto 8-da June

Raysul Wasaaraha Britain Theresa May oo warbaahinta kula hadlay 10 Downing Street oo Britain looga arrimiyo. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
London-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa bayaanisay in doorasho guud oo deg deg ah la qabto 8-da bisha June ee sanadkan 2017-ka, ogeysiin la yaab lahayd oo ay sheegtay maanta oo Talaado ah iyadoo Britain ay isku diyaarinayso wadahadalada ka bixitaanka Midowga Yurub.

May ayaa sheegtay in maalinta Khamiista ay tagi doonto baarlamaanka si deg deg loo fuliyo doorashada.

“Waxaanu u baahanahay doorasho guud hadda ayaana rabnaa. Kahor inta aysan bilaaban wadahadaladu,” May ayaa sidaa tiri iyada oo ka hadlaysay irida hore ee 10 Downing Street oo Britain looga arrimiyo.

“Waxaan go’aansaday in wadada keliya ee damaanadqaadaysa hubinta iyo xasiloonida sanado badan oo soo wajahan ay tahay qabashada doorasho,” intaas ayay ku dartay.

May ayaa noqotay Raysulwasaare bartamihii bishii July ee sanadkii hore iyada oo aan doorasho ku guuleysan markii uu iscasilay David Cameron kadib malaayiin reer Britain ah markii ay kasoo horjeesteen taladiisii ahayd ku baaqi ahaanshaha Midowga Yurub ayna u codeeyeen in Midowga Yurub laga baxo.

Theresa May horey waxay u sheegtay in aysan jiri dooni doorasho hore oo la qaban doono inta ay xafiiska joogto.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*