RW Britain Theresa May oo sheegtay in dalkeeda uu Soomaaliya u dirayo ciidamo badan si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab

RW UK Theresa May oo hadalkeedii kowaad kee jeedisay Qarmada Midoobay tan iyo markii xafiiska loo doortay bishii lasoo dhaafay. Sawirka: AFP.

New York-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Britain Theresa May ayaa balanqaaday in dalkeeda uu kordhinayo taageerada Soomaaliya ee la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Hadalkeedii ugu horeeyay ee ay ka jeediso shirka Qaramada Midoobay ee New York ayay ku sheegtay in Britain ay door hoggaamineed kasoo ciyaartay la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxay sheegtay in UK ay ciidamo u diri doonto Soomaaliya si ay u tababaraan ciidamada maxaliga ah si ay ula dagaalamaan maleeshiyada.

Waxay ku dartay in uusan jirin dal aysan saamayn argagixisada caalamka.

“Tan iyo sanadkii 2010, waxaan taageero weyn siinaynay dhamaan gobolka, waxaana laga saaray Al-Shabaab dhamaan magaalooyinkii waa weynaa oo ay maamuli jireen,” Theresa May ayaa sidaa tiri.

“Waa lagama maarmaan in beesha caalamka ay sii wado taageerada dalalka gobolka kuwaasoo ku deeqay ciidamada, waxaan kale oo aan sii wadi doonaa dhisida awooda ciidamada amaanka ee Soomaaliya” ayay ku dartay.

UK ayaa dhisme cusub ka dhisan doonta magaalada Muqdisho, sidoo kale UK ayaa martigelin doonta shir caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya bilowga sanadka 2017.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*